National ICT Commission is the Supreme Council for Information and Communication Technology

  • image
  • image
  • image
  • image
  • image
  • image
Previous Next

SIYAASADDA

SIYAASADDA KOMISHANKA XOG-ISGAADHSIINTA TEKNOLOJIYADDA QARANKA  (Somaliland National Information & Communication Technology Commission Policy)  SLNICTC 


Komishanka Qaranka ee SLNICT (Somaliland National Information & Coomunicationn Technology Commission) waa Hay,ad qaran oo madaxbanana maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba.


Hay,adan Xog-Isgaadhsiinta  waxa loo abuuray in ay ka shaqayso hirgalinta, meelmarinta siyaasadda guud ee Xog-isgaadhsiinta Tiknoolajiyadda Qaranka JSL.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo isaga oo eegaya baahida qaran ee Tiknoolajiyada casriga ah ee sida tooska ah u saamaynaysa hormarka iyo waxa soosaarka dalka iyo dad-kaba, waxa uu Digreeto  Madaxwayne 26 August 2010 ku assaasay Komishankan u qaabilsan qaranka arimaha Xog-isgaadhsiinta ee la adeegsanaayo Teknolojiyadda Casriga (SLNICT Commission). 


Aaasaasidda Hay’adani waxay salka ku haysaa sidii looga dhabeyn laahaa isbedelka aynu doonayno iyo dawlad wanaaga (National Reforms). Iyadoo qadarinaaya muhimadda ay technology-du u leedahay horumarka dalka. Taasoo ay kaw ka tahay adeegsiga technology-du dariiqa ugu fudud ee lagu gaadhi karo himilooyinka qaran ee aynu hiigsanayno.


Hiraalka iyo Aragtida Komishanka (Vision)


Somaliland inay noqoto dal ay bulshadeedu si dhib yar oo hufan uuga faiidaysan karto adeegyadda iyo agabyada Tiknoolajiyada casriga ah. Kaasoo ay ku nool yihiin jawi dawladoodu ay ku dhiirgelinayso isticmaalka teknolojiga casriga ah, si loo helo horumar caafimaad,waxbarasho iyo mid dhaqaaleba.